Wednesday, June 25, 2025

XOG: Farmaajo oo xog ku saabsan Maamul Goboleedyada la wadaagay Senatooro taageersan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan ku baaqay in shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isla markaana Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah ayaa dhowaan la kulmay senatooro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka ayaa ku koobnaa ilaa 10 senator oo taageersan Madaxweynaha, waxayna ugu tageen isbedelka ku yimid Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan Jubbaland iyo shirka uu isugu yeeray maamul Goboleedyada.

Xogta aanu ka helay shirka ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu ku wargeliyay xildhibaannada taageersan in kulanka uu ku baaqay ee lagu casuumay maamul Goboleedyada kaliya looga hadli doono arrimaha Amniga oo ay ku jirin Doorashada oo uu ku adkeystay inay go’aan ka gaari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashada Qaran.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo aan faahfaahin ka bixin aqoonsiga uu Axmed Madoobe u aqoonsaday madaxweyne KMG ah muddo laba sano ah, iyadoo arrintaasi ay weli socoto oo aysan meel u dhicin.

Senatoorada Aqalka Sare ee taageersan Madaxweyne Farmaajo

Arrintan ayaa khilaafsan Baaqii Golaha Amniga Q/Midoobay iyo beesha Caalamka, waxaana sii dhammaanaya xilliga ay ahayd in shirkaasi la qabto oo ah ka hor 25 June.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON