Sunday, July 13, 2025

XOG: Fursadaha Dib u Doorashada ee uu heysto Senator Dr. Cusmaan Dufle & Rajada Danjire Tarsan

Iyadoo goor dhow la filayo inay Magaalada Jowhar ka bilaabato doorashada kursi ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaan qormadan ku eegeynaa fursadaha ay heystaan labada musharax ee kursigan ku loolamaya.

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo mar kale u taagan in dib loogu doorto kursigan ayaa wajahaya Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamud Axmed Nuur (Tarsan), waxaana labada musharax oo si weyn loo yaqaan kala taageersan Mucaaradka iyo kooxda Farmaajo.

DR. DUFLE

Senator-ka kursiga difaacanaya waa Dhaqtar iyo siyaasi caan ah oo muddo dheer siyaasadda kusoo jiray, isla markaan shaqadiisa dhaqtarnimada ka wada caasimadda Muqdisho, wuxuu taageero ka heystaa Madaxda Mucaaradka ee ugu sareeya Midowga Musharixiinta, wuxuuna heystaa fiican oo ah inuu dib u soo laabto, isadoo ka dhisan dhinacyo kal aduwan.

Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle inkastoo ay yihiin kuwo uu laaluushka doorashada u noqday xalaal oo aanayba qarsan, haddana codka uma bixiyaan sida loo kala lacag badan yahay, waxaana aad ugu badan diidmada siyaasiyiinta u janjeera Farmaajo, taasoo fursad u ah Dr. Dufle.

Fursadda labaad ee Dr. Dufle u heysto inuu soo baxo waa inuu ka dhisan yahay dhinaca madaxweynaha Hirshabeelle, si fiicanna ay ugu ololeeyeen madaxda Mucaaradka, iyadoo sidoo kale uu ku hubeysan dhaqaale ololihiisa loo qoondeeyay.

DANJIRE TARSAN

Danjire Tarsan dhibaatada ugu weyn ee heysta waa inuu saaxiib la yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo, isla markaana ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xaaladda uga sii daraya inuusan ahayn siyaasi ku fiican ololaha jufooyinka iyo reeraha oo aanay metelaad ka helin dadka uu kasoo jeedo.

Dad badan ayaa saadaalinaya in Musharax Maxamuud Tarsan aanu dhaami doonin codadkii uu helay C/llaahi Sheekh Xasan oo ka haray kursigii uu kula tartamay Xaaji Muuse Suudi, isagoo wareegii koowaad ku helay 15 cod oo kaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON