Thursday, June 26, 2025

XOG: Guddiga Doorashada & Madasha Qaran oo isku heysta Shahaado siinta xildhibaanadii la laalay

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo madaxda Madasha Qaran ayaa isku heysta Shahaado siinta 11 xildhibaan oo ay laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada.

Guddiga Doorashada  ee heer Federaal ayaa xaruntooda magaalada Muqdisho shahaadooyin ku siiyay inta badan xildhibaanadii la doortay, laakiin waxaana Guddiga uu madaxda u yahay Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) Xogheynta baarlamaanka loo gudbiyay liiska xildhibanada rasmiga ah oo ay ku jiraan 11-ka xildhibaan oo calaamad cas iyo kansalaad la saaray:

Xildhibaanada la doortay ee rasmiga noqday Shahaadada Guddiga Doorashada la tegay Xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada, halkaasoo lagu diiwaan gelinayay lana siiyay Aqoonsiyadii rasmiga ahaa ID kumeelgaara si loo dhaariyo.

Madaxda Madasha Qaran ayaa ku adkeysatay inaysan jirin wax xildhibaano ah oo la laalay, waxayna go’aamiyeen inaan dib loogu noqon doorashada, taasoo keentay inuu isku dhac kale soo dhex galo Madasha Qaran iyo Beesha caalamka.
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON