Thursday, June 26, 2025

XOG: Guddiga Q/Midoobay oo Golaha Amniga u gudiyey Xogta Lacagtii dowladda Somalia u qeybisay xildhibaanada K/Galbeed

Warbixin ay soo saareen Guddiga Khubarada Q/Midoobay u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya oo 1-dii Bishan Novembar 2019 loo gudbuyey Golaha Amniga ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyin fara badan oo ay ka mid tahay doorashadii K/Galbeed iyo qalalaasihii ka dhacay.

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Doorashadii maamulka Koonfur Galbeed loo adeegsaday lacag laaluush ah oo loo qeyebiyay xildhibaannadii Baarlamaanka K/Galbeed oo magaalada Muqdisho loo qaaday, kadibna mid kasta la siiyey lacag dhan $5000, iyadoo lacago kale oo gaaraya $20,000 iyo $30,000 loo ballanqaaday. Waxaa kaloo la sheegay in boqolaal kun la siiyey saraakiil ka tirsan maamulka K/Galbeed.

Guddiga Q/MIdoobay ayaa ku sheegay warbixiintiisa in 82-da Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koofur-Galbeed Muqdisho loo geeyay bishii November 2018 si ay codkooda u siiyaan musharax ay waday dowladda Soomaaliya, iyadoo mid waliba la siiyey $5000, waxaana lacagtaasi bixiyey saddex qof oo dowladda federaalka ay u dhiibatay lacag boqolaal kun doolar ah, kuwaasoo warbixintooda si gaara loogu gudbiyey Golaha Amniga Q/Midoobay.

Doorashadii Koofur Galbeed ee uu kusoo baxay musharixii ay wadatay dowladda Soomaaliya ee C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa fadeexad weyn ku noqotay madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku dooda inay la dagaalamaan musuqmaasuqa, waxaana qalalaasihii ka dhashay doorashadaasi lagu dilay ilaa 15 qof oo ka dambeeyay xarigii Sheekh Mukhtaar Roobow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON