Wednesday, June 25, 2025

XOG: Guddoomiye Jawaari iyo Mahad Cabdalla oo helay Ciidamo cusub oo lagu soo kordhiyay ilaaladooda

Wararka laga helayo Xarunta Guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamo cusub iyo Hub lagu soo kordhiyey ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa labaad.

Ciidamadan ayaa la sheegay inaysan ka mid ahayn ilaaladii hore ee labada mas’uul, waxayna ka tirsan yihiin ciidamo milateri oo lagu xoojiyey ilaalada xilligan oo xiisad siyaasadeed ka dhex taagan tahay Baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta ayaa sheegeysa in sidoo kale hub u badan qoryo boobaha culus ah la geeyay xafiisyada Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Mahad Cabdalla Cawad, waxaana arrintan ka danbneeya qaar ka mida xildhibaannada taageersan Jawaari.

Arrintan ayaa dareen cusubk u abuurtay xildhibaannada wada mooshinka xil ka qaadista Jawaari, waxayna qeyb ka tahay dhaqdhaqaaq ay ilaaladooda ku xoojiyeen xildhibaannada ugu cadcad ee la safan guddoomiye Jawaari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON