Wednesday, June 25, 2025

XOG: Guddoomiye Yariisow oo Cadaadis weyn uga yimid Shaqaale uu ka ereyay Maamulka G/Banadir [Akhriso]

Guddoomiyaha G/Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa wajahaya cadaadiskii ugu weynaa oo ka dhashay markii uu shaqada ka joojiyey shaqaale ku dhow 100 oo ka tirsan maamulka G/Banaadir.

Guddoomiye Yariisow ayaa shaqada ka joojiyay shaqaalihii uu qoray maamulka G/Banaadir bilihii Disembar 2017 iyo Janaayo 2018, waxaana inta badan shaqaalahaasi soo qortat xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Zubeyda Maxamed Mukhtaar iyadoo uu qeyb ku lahaa guddoomiyihii hore.

Xubnahan oo shaqada looga joojiyey wareegto kasoo Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa ka mida guddoomiye ku xigeeno ka tirsan maamulka G/Banaadir, waxaana arrintan ka hor yimid wasiiro, xildhibaanno iyo nabadoono waaweyn oo Guddoomiye Yariisow cadaadis ku saaro in qaar ka mida shaqaalahaasi oo ay iyaga keensadeen uu shaqada kusoo celiyo.

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiya Yariisow dib u soo celin doono ugu yaraan qaar ka mida shaqaalaha uu eryay oo garabka ka heysta shaqsiyaadka dowladda, taasoo macne tireysa amarkii hore uga soo baxay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON