Wednesday, June 25, 2025

XOG: Guddoonka Baarlamaanka oo weli isku khilaafsan Qodobkii dhaliyey Mooshinka Madaxweynaha

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay weli isku khilaafsan yihiin qodobkii soo dedejiyay Mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sida ay sheegayaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka saddex mas’uul ee ugu sareysa guddoonka Baarlamaanka ayaan weli heshiis ka gaarin khilaafka u dhaxeeyay ee ku saabsan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka oo guddoomiye ku xigeenada ay kala direen, halka uu soo celiyay Guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh ayaa ogolaaday in meesha laga saaro Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo, kadib heshiis hoose oo dhex maray isaga iyo madaxda Sare, laakiin wuxuu weli ku dhegan yahay inay sidooda u jiraan Guddiya Maaliyadda, waxayna taasi keentay in toddobaadkan uu furmi waayaan shirarkii Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa kulan is-cafin iyo wadashaqeyn ah hore u yeeshay, laakiin ma jirin heshiis laga gaaray arrinta Guddiga Maaliyadda oo ahayd kii kicisay khilaafka Baarlamaanka iyo xukuumadda oo markii danbe ay la safteen guddoomiye ku xigeenada C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON