Sunday, July 13, 2025

XOG: Hal Arrin oo soo dedejisay is-casilaadii Wasiirka Gargaarka Somalia Maryan Qaasim [Akhriso]

Is-casiladii Wasiirkii Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa si weyn loo hadal hayay maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo dadka qaarkii ay lama filaan ku noqotay arrintan.

Wasiirada oo ka mid ahay xubnaha ugu dhow madaxweynaha iyo guddoomiyihii xisbiga uu asaasay ayaa is-casilaadeeda sabab uga dhigtay is barbaryaac ka dhex jira xukuumadda oo keenay inaysan kala caddeyn shaqada, taasoo keentay inay xilka ka tagto.

Haddaba Goobjooge.com ayaa ogaatay in Wasiir Maryan Qaasim ay is casilaadeeda soo dedejisay hal arrin oo ku saabsaneyd socdaalkii Ra’iisal wasaare Kheyre ku tegay magaalada Baraawe oo aanay ka mid noqon xubnihii tegay, taasoo noqotay mid ku filan inay xilkii ay u heystay xukuumadda ka tagto.

Wasiirada oo kasoo jeeda degaankaasi ayay ahayd in lagu dhowro oo ay wafdiga ka mid noqoto, taasoo aanu yeelin Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo la sheegay in xiriirka uu lahaa wasiir Maryan Qaasim aanu fiicneyn, waxaana markii laga reebay safarkaasi oo ay si weyn u daneyneysay ay arrintaasi noqotay inay si aad ah uga carooto oo si toos ah u tagto mid ka mid idaacadaha Muqdisho kuna dhawaaqdo is-casilaad.

Waxaa la ogaa in Wasiir Maryan ay arrimo badan ka tabaneysay qaabka shaqo ee wasaaradeeda oo aan caddeyn iyo Guddiyo fara badan oo mar waliba howshii wasaaradda gacanta ku haya, ayna isku dhaceen Guddigii hore ee Gurmadka Qaranka iyo midka loo dhisay arrintii Qaraxii Soope, kana awood badan, iyadoo ay taasi u raacday inuu xumaa xiriirka iyada iyo wasiir ku xigeenkeeda oo aanay wax wada shaqeyn ah ka dhaxeyn.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON