Sunday, July 13, 2025

XOG: Halista Coronavirus oo soo wajahday Isbitaallada Muqdisho iyo Dhaqtar kale oo laga helay Cudurka

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa wajahaya halis ku saabsan cudurka Coronavirus, iyagoo qaabila dad fara badan oo xanuunsan xilli aysan heysan qalabkii ay kula tacaali lahaayeen cudurkan.

Isbitaalka ugu weyn caasimadda ee Digfeer ayaa shalay la xiray sababo la xiriira in dhaqaatiir ka tirsan laga helay cudurka Covid-19, markii ay la macaamileen bukaan qabay cudurka oo aysan ka war heynin, waxaa kaloo xaaladaas oo kale qabsatay Isbitaalka Aadan Cadde oo bukaan ku jiray 9 maalmood la sheegay inuu u dhintay Coronavirus.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in dhaqtar ka tirsan isbitaalka laga helay Cudurka Covid-19, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin, wuxuuna ka mid yahay dhowr qof oo laga helay cudurka, kuwaasoo lagu wado inay maanta xaqiijiso Wasaaradda Caafimaadka.

Isbitaallada Muqdisho oo ay booqdaan dad badan oo xanuunsan ayaan awood u lahayn inay kala saaraan bukaannadaasi, waxayna halis ugu jiraan inay noqdaan goob uu ka faafo cudurka, halkii ay ka xakameyn lahaayeen; gaar ahaan dhaqaatiirta oo noqay kuwa ugu horeeya ee cudurka uu saameynta ku yeesho.

Qalabka dhaqaatiirta iyo kaaliyeyaasha caafimaadka xirtaan ee lagula tacaalo dadka qaba cudurka Coronavirus oo ay ka mid yihiin Maasgaraha afka lagu xiro ee N95, dharka isku-joogga ah ee la isaga ilaaliyo virus-ka (Personal Protective Equipment-PPE) oo Ganacsadaha Shiineeska ah ee Jack Ma ugu deeqay Soomaaliya ayaa qeyb ka mida waxay wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay maamulka Gobolka Banaadir oo isna shaqaalaha iyo madaxda maamulkaasi u sii qebiyey.

Isbitaallada Muqdisho ayaan sidoo kale heysan Qalabka lagu baaro Coronavirus ee (coronavirus test kits) oo ah qalab degdeg ah si kumeelgaar ah loogu baari karo bukaankii looga shakiyo inta aan loo dirin baarista rasmiga ah natiijadiisuna aysan xumeyn. Qalabkaas ayaa Soomaaliya waxay heshay in ka badan 20,000 xirmo, iyado loo qeybiyey maamul Goboleedyada iyo G/Banaadir.

Isbitaaladda Muqdisho ayaa ku sugan xaalad adag, iyadoo aan loo diyaarin la-tacaalidda bukaannada cudurkan qaba, mana jirto wax qalab ah oo kasoo gaaray Wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka Gobolka Banaadir xilli ay wasaaradu shacisay in cudurka Covid-19 uu ku dhex fafayo bulshada Muqdisho.

Waxaana hadda baahi weyn loo qabaa in Isbitaallada laga saacido sidii loo kala saari lahaa bukaanada tegaya, loogan kaalmeyn lahaa inay qeyb gaara iyo ddad u tabbarran u sameeyaan Coronavirus, taasoo haddii aan degdeg loogu dhaqaaqin dhalin doonta cawaaqib xun.

GOOBOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON