Wednesday, July 2, 2025

XOG: Hanti-dhowrka Guud oo Dacwad ku soo oogay Ku-xigeenkiisa & Shaqaalihii Hay’adda

Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye  ayaa dacwad ku soo oogay ku xigeenkiisa iyo qaar ka mida shaqaalihii Hay’adda, iyadoo wada shaqeyn la’aan iyo khilaaf ka dhex taagana yahay Hay’adda Hanti-dhowrka.

Dacwadan ayaa timid kadib markii mid ka mida Telefishanada magaalada Muqdisho uu wareysi la yeeshay ku-xigeenka Hanti-dhowrka Cali Abuukar Axmed oo sheegay in hanti dhowrka guud uu la wareegay howlihii xafiiska, isaguna aanu wax shaqo ah qaban, wuxuuna ku eedeeyay inuu shaqaaleysiiyay 12 qof oo aan ka diiwaan gashaneyn Guddiga Shaqaalaha Rayidka, isla markaana uu si gaara isagu keensaday.

Hanti dhowrka ayaa la sheegay inuu ka war helay cabasho ay gudbinayeen qaar ka mida shaqaalaha xafiiska Hanti dhowrka, isagoo ka dacweeyay CID-da oo baaritaan ugu yeertay shaqaalaha, waxaana sidoo kale CID-da looga yeeray ku xigeenka hanti dhowrka Cali Abuukar oo lagu heysto wareysiga uu bixiyey, iyadoo su’aalo laga weydiiyey eedeynta uu jeediyey.

Kiiska dacwadda ayaa weli socda iyadoo madaxda sare ee dowladda ay gaartay xaaladda ka dhex taagan xafiiska Hanti-dhowrka, waxaana la filayaa in waanwaan iyo xeerjajab lagu dhammeeyo.

Xafiiska Hanti dhworka Guud ee Qaranka ayaa ku soo biiraya khilaafyada hareeyay hay’adaha dowladda Soomaaliya, iyadoo hore ay isu heysteen labada aqal Baarlamaanka, Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, Bankiga Dhexe iyo Hay’ado kale.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON