Hoggaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa la yimid dalab cusub oo ku saabsan in xil sare laga siiyo Maamulka cusub ee Galmudug haddii la doonayo inuu taageero dhammeystirka Doorashada iyo dhismaha maamulka cusub ee Galmudug.
Xogta laga helyo xubnaha Ahlu suna ayaa sheegaya in hoggaamiyaha Ahlu suna uu doonayo inuu maamulka cusub ee Galmudug ka heli xilka Madaxweyne ku xigeenka ama dib loo soo celiyo xilkii Madaxda Xukuumadda Galmudug, waxaana socda waanwaan cusub oo u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo Ahlu suna.
Ahlu suna ayaa khilaaf ka abuurtay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug markii ay ka baxeen Guddigaasi xildhibaanadii ay soo magacawday Ahlu suna oo doonayey inay guddoomiye u noqdeen Guddigaasi, waxaana markaas kadib qoraal kasoo baxay Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir lagu sheegay inaysan Ahlu suna qeyb ka ahayn Doorashada Galmudug.
C/samad Macalin Maxamuud oo wasiir hore uga soo noqday dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, haddana ah ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Galmudug ayaa hoggaaminaya waanwaanta dowladu kula jirto aabihiis, iyadoo qorshaha cusub ee Ahlu suna uu culeys hor leh ku keenay doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo hakad ku jirta.
Lama oga sida madaxda dowladda Federaalka u aqbali doonaan dalabka hoggaamiyaha Ahlu suna oo arrintan la timid markii ay ku guuldarreystay tartan ay u gashay xilka guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka cusub ee Galmudug.