Monday, July 14, 2025

XOG: Hoggaamiye sare oo doonaya inuu ka baxsado Alshabaab & casdi laga qabo in la khaarijiyo

Sida ay sheegeen sirdoonka kenya hoggaamiyaha Alshabaab ee Kenya ninka lagu magacaabo Axmed Iimaan Ali ayaa baxsada ka ah kooxda Alsahbaab.

Warkan oo uu qoray wargeys ka soo baxa Kenya ayaa lagu sheegay in Axmed Iman oo ah Kenyaati ku biiray Al-shabaab, isla markaana madax ka ahaa ururka Jeysh al Ayman uu Alshabaab u qaabilsanaa in dhallinyarada Kenyaanka loo qoro Al-shababiy iyo qorsheynta weerarrada lagu qaadayo Kenya, basle iminka ay isku dhaceen Alshabaab.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka hor yimid qaabka ay wax u wadaan hoggaanka saree ee Al-shabaab, ayna isku af-garan waayeen xubno ka mida Alshabaabka Kenya oo xarakadu ay ku soo eedeysan basaasiin lana daldalay.

Warka laga soo xigtay sirdoonka ayaanay cid xaqiijisay iyadoo Sirdoonka Kenya wararkoodu u badan yihiin kuwo ka fog xaqiiqada marka ah timaado xaaladda Alsahbaab. Axmed Iimaan ayay sheegeen inuu ka baqayo inay dilaan kooxda Al-shabaab.

Ninkan oo hoggaamiye sare ah ayaa Alshabaab ka caawiyay sameynta muuqaalada lagula hadlalyo dadka Kenya ee ku baxa luqada Sawaaxiliga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON