Thursday, April 18, 2024

XOG: Howlihii Maamulka G/Banaadir oo gaabis noqday & Guddoomiye Yariisow oo xafiis u furtay ololaha Mooshinkii Jawaari

Howlihii gobalka Banaadir oo labo asbuuc hakad ku jira xili Eng Yariisow uu ku dhex milmay xukuumadii uu hore uga tirsanaa, kana mid noqday xubnaha ugu horeeye ku mashquulsan yahay mooshinka laga keenay guddoomyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Sida ay noo sheegeen ilo ku dhow madaxda Maamulka G/Banaadir shaqadii maamulka G/banaadir ayaa noqotay mid socon oo habac weyn soo galay iyadoo qaar ka mida Shaqaalaha maamulka G/Banaadir ay iskood isu fasaxeen, halka inta badan shaqaalaha ay xafiisyada tageen xilligii ay doonaan.

Guddoomiye Yariisow, ku xigeenkiisa maaliyada iyo xog-hayaha guud ee gobalka Banaadir ayaa maalmihii ugu danbeeyay degabaa Hotel-ka SYL, iyagoo saddex qol oo isku dhegan ka kireystay Hotelka oo ay ka wadeen ololaha Mooshinka Jawaari.

Ad

Xogt la helay ayaa sheegsya in Lacag dhan $2.5 Milyan (Labo milyan iyo shan boqol oo kun oo Doollar) uu G/Banaadir kux bixiyey  Mooshinka, lacagtaas oo la geeyay hotelka SYL, taasoo ahayd canshuurtii dadka G/Banaadir looga qaaday in adeegyo asaasiga ah loogu qabto.

Lacagtaan ilaa imimka loo adeegsadya mooshinka ayaa waxaa bixiyey Maamulka gobalka Banaadir ee uu madaxda u yahay Guddoomiye Yariisow oo isu arka inuu yahay mas’uul u shaqeeya ciddii xilka u magacawday.

- Advertisement -

Guddoomiye Eng. C/raxman Yariisow)ayaa la sheegay inuusan tegin xafiiskiisa tan iyo markii uu bilowday mooshinka Jawaari, marka laga reebo saacado kooban oo uu transit ku maray, waxaana la fasaxau shaqaalaha xafiiskiisa, sidoo kalena howlgab laga dhigay shaqaalaha Waaxda Maaliyada si lacagta G/Banaadir loola baxo.

“Ma tagin shaqada gobalka Babaadir mudo laba asbuuc ah sababtoo ah madaxda oo dhan ma timaado xarunta Dowlada Hoose, waxey ku shaqeeyaan Hotel SYL ayuu yiri mid ka shaqaalaha G/Banaadir oo Mudane Yariisow ku tilmaamay guddoomiyihii ugu liitay ee soo maray maamulka G/Banaadir.

Waxaa laga cabsi qabnaa in mushaarka billaha soo socda ee shaqaalah G/Banaadir la bixin waayo, taasoo ay ugu wacan tahay Khasnada G/Banaadir ee Bankiga Dhexe oo lagala baxay $2.5milion (labo milyan iyo shan boqol oo kun).

- Advertisement -

Durba waxaa bilaabatay dood ku saabsan mudada uu Guddoomiye Yariisow sii joogi doono xafiiska iyo cidda lagu bedeli doono, iyagoo shaqaalaha sare ee maamulka G/Banaadir ay si cad u sheegayaan inuusan xilkan sii wadi karin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON