Wednesday, July 16, 2025

XOG: Imaaraadka Carabta oo abaabul ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo bilowday & Shir culus oo ka socda Abu Dhabi

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa abaabul cusub ka bilwoday dalkeeda, kaasoo looga horjeedo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wararka laga helayo dalka Imaaraadka ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’iisal wasaarihii hore Cumar C/rashiid iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhow 30 uu shir uga socdo magaalada Dubai.

Shirkan ayaa la sheegay in ujeedkiisu yahay sidii loo xoojin lahaa mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo oo hakad galay, iyadoo kooxdii hore ee howsha waday ay xaalad adag soo wajahday, waxaana dowladda Imaaraadka ay dooneysaa inay qorshahan ku soo biiriso madaxda maamul goboleedyada.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland looga yeeray imaaraadka, si looga dhaadhiciyo qorshahan, waxaana lagu wadaa inay waqtiyo kala duwan halkaasi tagaan.

Qorshihii mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo ee ka socday Muqdisho ayaa u muuqday inay fashil ku dhow, taasoo keentay in qorshaha la ballaariyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON