Friday, July 4, 2025

XOG: Imaaraadka Carabta oo Qorshe lama filaan ah kula wareegaya Qoorqoor & Maamulka Galmudug

Waxaa soo shaac baxay in xiriir muddo u socday Dowladda Imaaraadka Carabta iyo cusub Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay ka shaqeeyeen xubno u dhow Imaaraadka oo ka mida Golihiisa wasiirada, taasoo ugu danbeyn keentay inuu safar aan la siyaasadeyn xilli xasaasi ah ku aado magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Galmudug ayaa xaqiijiyey in socdaalka Axmed Qoorqoor ee Nairobi uu ku saabsanaa la kulanka Mas’uulka dalka Imaaraadka u haya arrinta Soomaaliya sarkaalka lagu magacaabo Xuseen Darwiish Al-shamsi, iyadoo Imaaraadku uu taageero u balanqaaday Maamulka cusub ee Galmudug, haddii uu taageero qorshaha uu ka leeyahay Soomaaliya.

Taageerada Imaaraadka diyaarka ula yahay Galmudug-ta uu hoggaamiyo Qoorqoor ayaa isugu jirta tababarro iyo qalab ciidan, dhisme mashaariic iyo taageero dhaqaale, waxayna Galmudug raadineysaa cid u maalgelisa Dekadda Hobyo oo qorshihii dalka Qatar ku dhisi lahaa aanu soo muuqan.

Inuu Imaaraadku xilligan kala guurka si awood leh usoo galo siyaasadda Soomaaliya ayaa halis ku keeneysa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maamul Goboleed kale laga hoos bixinayo, sida ku dhacday Puntland iyo Jubbaland, waxaana arrintan loo arkaa in Galmudug ay jiho cusub qaadi doonto, iyadoo qorshaha Imaaraadka sida lama filaanka ah ugu dejiyey Galmudug uu yahay mid kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo Madaxweynaha Soomaalida uu cadaadis badan saaran yahay.

Kulanka Magaalada Nairobi ku dhex maray Axmed Qoorqoor iyo siyaasiga C/kariin Guuleed ayaa la xaqiijiyey inuusan wax lug ah ku lahayn safarka Madaxweynaha Galmudug, isla markaana C/kariin Guuleed aanu ka warqabin imaanshaha Qoorqoor ee Nairobi, balse laga dhigay arrin weyn si loogu qariyo arrinta rasmiga ah ee ka dhex socota Imaaraadka iyo Galmudugta Axmed Cabdi Kaariye.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON