Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay weerarro is xigay oo Maleeshiyada Alshabaab maanta ku qaaday Gobolka Shabeellada Hoose.
Weerarkii ugu horeeyay ayaa xalay saqdii dhex kadib iyo ka hor aadaankii hore ee salaada subax waxay ku dagaalyahannada Alshabaab ku guureeyeen saldhigga ciidamada dowladda Ceel-Saaliini oo ay dhowr jiho ka weerarreen, waxaana wararka laga helayo ay sheegayaan inuu qasaare xoog leh kasoo gaaray ciidamada dowladda.
Warar laga soo xigtay saraakiisha sare ee ciidamada Milateriga ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu lagu dilay 21 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ee saldhiggaasi ku sugnaa laguna dhaawacay 18 kale, waxaana lagu gubay ilaa 6 Gaadiidka ciidamada ah oo ay ka mid yihiin Booyad, Baabuurta dagaalka iyo mootooyin.
War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegteen inay weerarka sladhigga Ceel-Saliini ku dileen 41 askari, taasoo aanay cidna xaqiijin, waxaana Alshabaab lagu yaqaan inay si weyn u buunbuuniyaan qasaaraha ay geystaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo markii hore laga qabsaday saldhigga ay dib ula wareegeen kadib dagaal rogaal celin ah, waxaana dagaalka lagu dilay tiro ka mida maleeshiyaadka Al-Shabaab oo aan tiradooda la helin. Saraakiisha ayaa laga soo xigtay in Alshabaab laga dilay 13 qof.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa weerar labaad ku qaaday Xilligii salaadda subax ee saaka degmada Qoryooley, waxaana ka hortegay ciidamada degaanka, waxaana Alshabaab looga dilay ugu yaraan 13, waxaana Qoryooley lagu soo bandhigay 3 ka mida maydadka Al-Shabaab iyo hubkooda, halka ciidamada degaanka uu askari ka dhintay.
Saldhigga Ceel saniini ee ciidamada Milateriga ayey Alshabaab dhowr jeer weerarreen oo ay askar badan ku laayeen, waxaana muuqata inaysan weli casharro ka baran weerarrada Alshabaab.
Weerar kale oo Alshabaab ku qaadeen ciidamo kusii jeeday Ceel-saniini oo gurmad ahaa degaanka Lafoole ayey Alshabaab sheegatay inay ku dishay 31 askari oo ka mida ciidamada dowladda, iyadoo aan jirin cid xaqiijisay qasaaraha.