Thursday, June 4, 2020
More

    XOG: Kenya & C/rashiid Janan oo isu diyaarinaya weerar lagu qaado B/Xaawo & Axmed Madoobe oo ciidamo u diray..

    Xog laga helay xildhibaannada W/Bari Kenya ee laga soo doorto Mandhera County oo lagu wargeliyey dowladda Soomaaliya ayaa shegeysa in ciidamada Kenya iyo maamulka Jubbaland ay isu diyaarinayaan weerar culus oo ay dib ugu qabsadaan magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

    Ciidamada C/rashiid Janan taabacsan ee lagu jebiyey dagaalkii Isniintii ka dhacay xuduudka Soomaaliya ee degmada Beledxaawo ayaa dib loogu abaabulayaa duleedka Mandheera oo ay xero ku leeyihiin ciidamada Kenya e KDF, iyadoo hub iyo saanad kale la siinayo, waxaana lagu soo kordhiyey ciidamo laga soo diray Dhoobley.

    Ad

    Madaxweynaha Jubbaland ee aysan aqoonaneyn dowladda Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa qeybtii labaad oo ciidamo laga soo ururiyey Kismaayo iyo Dhoobley u diray Gobolka Gedo si ay dagaalkaasi uga qeyb qaataan, waxaana la sheegay in 60 askari oo kale uu shalay diray, iyadoo ciidamada uu Gobolka Gedo u daabulay ay hadda ka badan yihiin 120 askari, balse lix ka mida ay u goosteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Abaabulka Dowladda Kenya iyo maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadeen magaalada Beledxaawo ayaa laga dareemay magaalada Mandhera oo ay u baxsadeen ciidamadii C/rashiid Janan ee laga saaray xuduudka labada dal, kadib dagaalkii weynaa ee ay ku qaadeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

    Qorshaha dagaalka ee kusoo wajahan Beledxaawo ayaa lagu wargeliyey saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo, waxaana shalay arrintaasi ka hadlay guddoomiyaha Mandhera Cali Roba oo sheegay inay ka cabsi qabaan dagaal mar kale ka dhaca Beledxaawo.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,313FollowersFollow
    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,313FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN