Sunday, July 6, 2025

XOG: Kiiskii Musuqmaasuqa ee Dekadda Muqdisho oo ka sii daray [Kheyre oo Go’aan culus qaatay]

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xaalad adag kasoo food saartay xaalad musuqmaasuq ah oo ka dhacday Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Kiis ku saasban Konteenar si khalad ah loo canshuuray oo uu kashifay sarkaalka Booliska ee canshuuraha ayaa xaalad kacsan ka abuuray dekadda, waxaana markii ay farageliyeen Ra’iisal wasaare Kheyre iyo saraakiisha hanti dhowrka soo shaac baxay in arrinta musuqa ee dekadda ay ka ballaaran tahay intii la filayay.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay  inuu arrinta u xilsaaray hanti dhowrka xilka sii haya, wuxuuna diiday dadaal ay wadeen xildhibaano iyo siyaasiyiin iyo waxgarad culeys ku saaray in xaaladda la qaboojiyo oo hoos loo dhigo.

Kheyre ayaa hore indhaha uga qabsaday inuu wax ka bedelo maamulka saraakiisha canashuurta oo ah kuwo isku xiran ciidan iyo rayid dekadda Muqdisho, iyadoo waliba si cad loogu wargeliyay kormeerkiisii koowaad ee dekadda uu ku tegay, waxaana la yaab ahayd in xubno cusub oo dhowaan la magacaabay ay la qabsadeen xaaladii hore uga jirtay dekadda Muqdisho.

Lama oga in baaritaanka ka socda dekadda Muqdisho la fulin doono go’aanada kasoo baxa iyo in markan Ra’iisal wasaare Kheyre ku dhiiran doono tallaabooyin adag oo dhaafsiisan khudbooyinka musuq-ladirirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON