XOG ku saabsan Dowladda Soomaaliya oo Imaaraadka kala wareegeysa Ciidamadii ay ku tababarray Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhameystiray qorshe ay kula wareegeyso dhammaan ciidamadii dowladda Imaaraadka Carabta ku tababartay magaalada Muqdisho iyo saldhigga ay ka fureen caasimada ee la baxay Gen. Gordon.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliuya ayaa sheegay in munaasabadda asaaska ciidamada Qalabka sida ee 12-ka April oo ku beegan Berri  ay dowladda Soomaalya la wareegeyso ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka ayna si toos ah u hoos tegi doonaan Wasaaradda Gaashaandhigga ay bixin doonto mushaarkooda.

Ciidamadan oo qeyb ka mida Imaaraadku hore ugu wareejiyey dowladda Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan inay Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo iyo saraakiil Imaaraad ah oo maamula ciidamadaasi, ayna hoos tagaan, iyadoo ciidamada hore loogu wareejiyay dowladda aanay rasmi ahaan amarkooda weli yeelan.

Ciidamada Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dhow 700 askari, waxaana la sheegay in heshiiska Imaaraadku la galay dowladda Soomaaliya sanadkii 2014 uu awood u siinayey inay howglallo argagixiso la dirir ah ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Kadib markii uu xumaaday xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayay dardar gelisay dowladda Soomaaliya inay ciidamada ay tababarreen kala soo wareegto, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo xiisadda diblomaasiyadeed ay ka dhex aloosan tahay Imaaradka iyo Soomaaliya markii lacag u socotay safaaradda UAE ee Muqdisho ay la wareegeen hay’adaha amniga Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

111,990FansLike
622FollowersFollow
2,588FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

111,990FansLike
622FollowersFollow
20FollowersFollow
2,588FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!