Tuesday, June 24, 2025

XOG: Kursiga ugu shidan ee ku haray Cadaado.! [Villa Somalia, Galmudug & Mareykanka oo ku lug yeeshay]

Mid ka mida kuraasta ugu adag Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo yaala Magaalada Cadaado ayaa noqday mid xaalad adag ku jira iyadoo la isku heysto qaabka loo dooranayo.

Kursigan oo ay leedahay jufada Gaabane ee Beesha Saleeban H/Gidir  ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah: Caasha Xaaji Cilmi, Maxamed Siciid Abtidoon (Abtidoon yare) iyo Macalin Mahdi.

kursiga-cadaado

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wadata  Abtidoon yare, wuxuuna taageero ka heystaa maamulka Galmudug, waxaase ka horjeeda Ugaaska Beesha iyo odayaasha kale oo ku doodaya  in kursigan loo qoondeeyay haween qura.

Dagaalka Doorashada ee ka dhex taagan Madaxtooyada Soomaaliya, Galmudug iyo Ugaaska Beesha Saleebaan ayaa gaaray beesha caalamka, wuxuuna kursigan ka mid ahaa kuraas lagu sheegay qoraalkii Safaaradda Mareykanka.

Guddiga Doorashada ayaa isna la safan madaxtooyada Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug, iyagoo doonaya inuu kursigan kusoo baxo  Abtidoon yare

Madaxwayne C/kariin ayaa jawaabtii uu u diray safaaradda Maraykanka ku sheegay in kursigan ay Xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi ku fadhisay 16-sano, beeshuna aysan hadda isku raacsanayn go’aanka Ugaaska oo cabasho ay ka daba timid.

Abtidoon yare ayaa la ogyahay inuu ahaa gacan-yaraha C/kariin Guuleed iyo ninka dhaqaalaha u hayay xilligii uu ahaa Wasiirka Amniga, waxaana socda ololeyaal dhinacyo badan ku jiraan oo kursigan ka dhigaya mid ka mida kuwa ugu adag Aqalka hoose ee Baaralamanka cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON