Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo ka mida mucaaradka ugu weyn ee ka horjeeda dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira inuu ka mid noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dadaalkan ayaa yimid kadib markii siyaasigan la weerarray gurigiisa oo dhaawac kasoo gaaray, isla markaana dowladda hadda jirta ay saartay cadaadis keenay inuu awoodi waayo dhaqdhaqaaq siyaasadeed inuu ka sameeyo Muqdisho, kadibna looga daba tegay dalka Kenya, taasoo keentay inuu aado Yurub.
Kursiga Beesha C/raxmaan C/shakuur waxaa ku fadhiya Ganacsade weyn oo lacag badan ku bixiyey kursiga si uu xasaanad ugu helo, kaasoo ah xildhibaan Siciid Nuur Gariish, waxaana in muddo ah socday sidii loogu qancin lahaa inuu saayasiga beesha ku wareejiyo kursiga.
Milkiilaha Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airweys Siciid Nuur Giriish ayaa la sheegay inuu diiday qorshahan, iyadoo ay cadaadis weyn saareen odayaasha beesha iyo waxgaradka, iyadoo ay adag tahay inuu aqbalo arrintan.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi ku saabsan haddii kursigu bannaanaado inuu ka qeyb noqdo musharax ay wataan madaxda dowladda federaalka kuna dagaalamaan inuu ku soo baxo kursigaasi, taasoo ah khatar kale oo heysata damaca xildhibaanimo ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Arrimahan oo dhan waxay qorshaha C/raxmaan C/shakuur ka dhigeen mid ay adag tahay inuu shaqeeyo, waxaana sii adkaanaya fursadaha uu heysto si uu uga mid noqdo xildhaabana Baarlamaanka Federaalka.