Tuesday, June 24, 2025

XOG: Macalin Maxamud oo loo ogolaaday inuu dalka ka dhoofo, kadib Kulan uu la yeeshay Madaxweyne Qoorqoor.

Hoggaamiyaha Ahlu suna ee siyaasadda ka fariistay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa loo ogolaaday inuu dibadda u dhoofo, kadib kulan uu xalay la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor).

Kulanka ayaa yimid iyadoo ay jireen warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay Macalinka xabsi guri ku geliso magaalada Muqdisho, iyadoo wararkaasi ay isa soo tari waayeen, waxaana uu codsaday Macalin Maxamuud inuu aado dalka Sacuudiga oo la sheegay inuu ka heysto iqaamad AMA deganaansho ah, taasoo uu ogolaaday madaxweyne Qoorqoor oo xiriir la sameeyay madaxda dowladda Federaalka.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Macalin Maxamuud uu safar dhinaca dhulka ah uga baxay magaalada Dhuusamareeb, isagoo kusii jeeda magaalada Gaalkacyo, halkaasoo uu uga sii gudbi doono magaalada Garowe, kadibna la sheegay inuu u duuli doono dalka Sacuudiga.

Hoggaamiyaha Ahlu suna ayaa shalay ku dhawaaqay in Ahlu suna ay ka tanaasushay siyaasadda taasoo ay ugu wacan tahay in siyaasadii ay isu bedeshay dagaal, basle uu sii wado doono inuu hoggaamiyo Ahlu suna.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON