Wednesday, July 16, 2025

XOG: Madaxda Maamul Goboleedyada arrin Halis ah ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

Madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dowladda Federaalka kala hadlaya mowqifkeeda ku saabsan khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.

Xogta laga helay Madaxtooyada ayaa sheegeysa in madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ay madaxweyne Farmaajo ka dalbadeen in dowladda ay bedesho mowqifka dhexdhexaadka ah ee ay ka qaadatay xiisadda ka dhex aloosan dalalka Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa doonaya in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula safato Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, taasoo uu ka cago jiidayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Famaajo.

Saddexda maamul oo xiriir weyn la leh ayaa laga cabsi qabaa inay go’aan iskood ah qaataan haddii madaxweyne Farmaajo uu diido dalabkooda, waxaana la sheegay in arrinta ugu culus ay tahay cadaadis hor leh oo la saarayo Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON