Wararka laga helayo magaalada London ayaa sheegaya madaxda maamul Goboleedyada ay caawa ka wadaan halkaasi olole ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Xogta aanu ka helay madaxda shirkaasi ka qeyb galeysa ayaa sheegeysa in qaar ka mida madaxda maamulada dalka ay dalbadeen inay khudbado ka jeediyeen shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo berri ka furmi doona magaalada London.
Saraakiisha qabanqaabada shirka ee UK ayaa u sheegay madaxda maamulada Puntland, Hirshabeele iyo kuwo kale in khudbada Soomaaliya uu shirka ka jeedin doono madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana taasi ay ku kooban tahay khudbadda Soomaaliya, laakiin wararka ayaa sheegaya inay ku adkeysteen inay kalimad ku lahaadaan khudbooyinka, taasoo aan la ogolaan, basle dood ka taagan tahay.
Madaxda maamul Goboleedyada ee doonaya inay barbar hadlaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bilaabtay waqti hore, waxaana la xusuustaa khudbadii C/raxmaan Faroole oo ahaa madaxweynihii Puntland ka jeediyay shirkii Brussels iyadoo aan loo ogolaan kadibna mobile looga duubay.
Goobjooge.com