Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faramaajo ayaa bilaabay olole ka dhan ah Sharciga Doorashada ee hadda doodiisu ka socoto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulamo xiriir ah ayaa ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo uu madaxweyne Farmaajo kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaanada qaarkood si uu uga dhaadhiciyo inay diidan sharciga hor yaalla Baarlamaanka ee ay soo diyaariyeen Guddi uu sameeyay guddoonka Baarlamaanka, isagoo raba in la soo celiyo sharcigii hore e Golaha Wasiiradu ansixiyeen, kaasoo asalkiisu ka yimid Madaxtooyada.
Xildhibaanola hadlay Goobjooge.net oo kulamada madaxweynaha ka qeyb galay ayaa sheegay inay fahmi waayeen nooca doorashada uu doonayo Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku dhegan doorasho qof iyo cod ah oo kaliya ka dhacda magaalada Muqdisho, taasoo keentay su’aalo badan iyo shaki ku saabsan qorshaha uu damacsan yahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaan xiriir wanaagsan la lahayn guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, taasoo halis ku heysa mashruuciisa dib u doorshada, waxaana uu dhowaan kulan gaara la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursale Sheekh, kulankaas oo la sheegay inaan natiijo weyn kasoo bixin.
Inta badan xildhibaannada Baarlamaanka oo doonaya inay dib u soo laabtaan ayaa qorshaha Doorashada madaxweyne Farmaajo u arka inuu halis ku yahay, mark laga soo tago inuu ka hor imaanayo dastuurka KMG ah oo caddeynaha inay madaxweynaha dooranayaan xildhibaannada Baarlamaanka, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in dadweynaha soo doortaan madaxweynaha.