Friday, July 11, 2025

Xukun Dil ah oo lagu riday Askari isu bedelay Burcad weyn oo baxsad ka ahaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo isu bedelay, kaasoo baxsad ka ahaa ciidamda, kana qaraaban jiray Gobolka Sh/Hoose.

Askarigan oo lagu magacaabo Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa lagu helay dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ahayd ganacsato caan k ah degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose, isaoo u dilay markii ay weydiisatay deyn uu muddo ka qabaay 23 May 2019.

Askarigan Cabdullaahi Cali Cumar ayaa gacanta lagu soo dhigay 28-kii September 2019, markii ay amar soo qabasho uu bixiyey xafiiska xeer ilaalinta ciidamada, iyadoo loo soo wareejiyey Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maxkamadda ayaa la hor keenay markhaatiyeyal isugu jira dad uu dhac u geystay iyo dilkii haweeneyda ganacsatada ahayd ee Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed. waxaana sidoo kale Maxkamadda la horkeenay caddeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadd ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON