Thursday, June 26, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Martiqaad ka helay Imaaraadka & Qorshe culus oo la hordhigayo

Wararka laga helayo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku sii jeedo dalka Imaaraadka Carabta. Safarkan ayaa ka danbeeyay markii casuumaad rasmi ah Imaaraadka u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo, taasoo ka dambeysay safarkii uu dhowaan ku tegay Dalka Sacuudiga iyo madaxweynaha Masar oo arrintan soo dhex galay.

Madaxweyne Farmaajo oo ku guuleystay inuu Sacuudiga ka helo dhaqaale hore looga xayiray oo dhan 50 Milyan oo Doolar, iyadoo aan waxba laga bedelin mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrimaha Khaliifka, laakiin dowladda Imaaraadka ayaa cadaadis weyn ku heysay dowladda Farmaajo iyadoo abaabushay, dhaqaalena siisay siyaasiyiin iyo madax hore oo Muqdisho ka bilaabay olole ka dhan ah hoggaanka Madaxweyne Farmaajo.

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo la geleyaan heshiis danhooda ku saabsan, haddii uu ogolaadana ay u fasaxayaan dhaqaale loogu yaboohay Soomaaliya oo ay hore ugu heshiiyeen labada dhinac, balse ay soo dhex gashay xiisadda Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo ayaan la hubin inuu ka dalban doono Imaaraadka inay joojiso faragelinta ay ku heyso maamul Goboleedyada iyo lacagaha ay siiso madaxda maamulladaasi oo ay ku soo biireeen siyaasiyiin doonaya inay xilka ka ridaan.

Socdaalka Farmaajo ee Imaaraadka oo ah kii labaad intii uu xilka qabtay ayaa ku soo beegmaya iyadoo mooshin ka dhan ah Imaaraadka uu horyaallo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON