Monday, July 14, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday sameynta Gole cusub loogu bedelay Madashii Qaranka.!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ogolaaday dhismaha Gole loogu magac daray “Golaha Amniga Qaranka”.

Golahan oo lagu dhisay shirkii ugu horeeyay ee madaxda maamulada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka ayaa waxaa fikradiisa lahayd Beesha Caalamka (Mareykanka & Ingiriiska), wuxuuna ka mid ahaa qorshaha loogu yeeray “Somali National Security Architecture” ee lagu ansixiyay shirkii London.

Shirkii ugu horeeyay ee Golahan cusub ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay Muqdisho ku soo qulqulayaan madaxda maamul goboleedyada, waxayna warar ku dhow madaxtooyada ay sheegayaan in shirka looga hadlayo arrimaha: Ammaanka, qeybsiga kheyraadka, fulinta qodobadii shirkii London iyo arrimo kale.

Guddiga Amniga Qaranka ee dowladii hore ayaa ahaa mid kaliya ay ka mid yihiin madaxda sare ee dowladda iyo saraakiisha Hay’adaha ammaanka, laakiin golahan cusub ee AMniga Qaranka ayaa loo bedelay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada.

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ayaa golahan ku tilmaamay sharci darro lagu bedelay Golihii madasha Qaran ee xilligii madaxweyne Xasan Sheekh oo la wareegay awoodii baarlmaanka, waxaana ay ka digeen in golahan halis ku yahay Baarlamaanka iyo madaxtooyada labadaba.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON