Iyadoo xilka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya uu bannaan yahay muddo ka badan 3 bilood ayaa waxaa soo baxaya warar ku saabsan in xilkaasi loo magacaabi rabo shaqsi hore xilal uga soo qabtay dowladda Soomaaliya.
Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu qarka u saaran yahay inuu xilkaasi u magacaabo maareeyihii hore ee dekada Muqdisho iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sh/Dhexe Cabdi Jiinow Calasow.
Raadinta qof ku haboon xilkan ayaa xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku qaadatay muddo dheer, taasoo ay ugu wacneyd shaqsi laga aami kari karo Villa Somalia, waxaana is mari waa’ ka yimid qaabka awood qeybsiga beelaha.
Cabdi Jiinow oo muddooyinkii dambe aan wax xil ah ka heynin, marka laga reebo xil magac ahaan u jira oo uu hore ug magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, kaasoo ahaa maareeyaha Guud ee Mashruuca Horumarinta Xeebaha iyo kalluumeysiga dowlada.
Madaxweyne Farmaajoayaa la sheegay inuu door bidayo madaxweyne Farmaajo iyadoo xiriir hore oo saaxiibtinimo uu ka dhaxeeyay labada nin, waxaana uu taageero ka heystaa xubno uu ka mid yahay Ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi.
Inta badan xubnaha labada gole ee Beesha musharaxan ayaa ka soo horjeeda inuu xilkan qabto, iyadoo madaxweynaha uga digay walaaca ay ka qabaan in magacaabidiisa, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga beesha dhexdeeda iyo hab dhaqanka musharaxan. Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inuu ka horjeedo magacaabidda Cabdi Jiinow.
Cabdi Jiinow ayaa lagu xusuustaa inuu diiday xil ka qaadistii dowladda Sheekh Shariif ku sameysay xilligii uu ahaa maareeyaha dekadda Muqdisho April 2010, taasoo keentay in AMISOM loo adeegsado oo ay awood ku maquuniso.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo xil cusub u magacaabay Cabdi Jiinow Calasow