Friday, June 27, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Shir Xasaasi ah la leh Beesha Cadaado & dib u dhac ku yimid…

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir xasaasi ah la leeyahay waxgrad iyo siyaasiyiinta beesha Cadaado.

Shirkan ayaa keenay saacado dib u dhaxo safar uu galabta ku gaari lahaa magaalada Dhuusamareeb, waxaana  shirka oo la sheegay inuu yahay mid albaabada loo xirtay madaxweynaha ku wehliyaha guddoomiye kuxigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo Senator Cabdi Qeybdiid.

Waxgaradka Beesha Saleebaan  ayaa si weyn uga hor yimid heshiiska heshiiskii Ahlu sunna iyo Galmudug oo keenaya in laga guuro magaalada Cadaado, waxayna arrintan isku mari waayeen madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmajo ayaa lagu wadaa inuu magaalada Cadaado ku shir guddoomiyo golaha xukuumadda Galmudug, isagoo warbixin laga siin doono xaaladda Galmudug .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON