Wararka laga helyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu mooshinka laga keenay ku canaantay la-taliyeyaashiisa iyo xukuumadda Soomaaliya inay ka hortegi waayeen.
Kadib kulamo ay yeesheen madaxweyne Farmaajo, la-taliyeyaashiisa, Ra’iisal wasaaraha iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda ayuu Farmaajo si cad ugu sheegay inay ka hortegi waayeen Mooshinka oo lama filaan ku noqday, isagoo ka carooday inay arrinta soo gaarto heerka Mooshinka oo ay dhici karto inuu sumcad xumo u soo jiido hoggaankiisa.
Qorshaha la-tacaalidda Mooshinka ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo la siiyey tallo yaab leh oo ah inuusan ka hadlin, kana gaabsado inuu soo hadal qaado mooshinka iyo arrimihiisa, iyadoo loo xil saaray Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo noqonaya difaaca u taagan fashilinta Mooshinka Madaxweynaha.
Dhinaca kale Warbaahinta dowladda ayaa lagu amray inaysan ka hadlin arrinta mooshinka madaxweynaha, waxaana wasaaradda warfaafinta ay amarkan ku dhaqmeysaa hadda muddo 24 saacadood ka badan tan iyo intii uu soo baxay mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo.