Monday, June 23, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo yareeyay awoodii Taliyaha Milateriga iyo Ciidamada Gorgor oo la hoos geeyay..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku howlanaa isku shaandheynta ciidamada xoogga dalka xilligan kala guurka ah ayaa hoos u dhigay awoodda taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Xogta ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu maamulka ciidamada kumaandooska Gorgor ka wareejiyey Taliye Odowaa, isagoo hoos geeyay inay si toos ah uga amar qaataan taliyaha ciidamada dhulka ee uu dhowaan magacaabay Jen. Maxamed Tahlilil Biixi.

Taliye Biixi oo aan la shaacin xiliga xilkan loo magacabay ayaa taliska ciidamada Xooga dalka kusoo galay isku shaandheyn kooban oo Madaxweynaha sameeyay, taasoo warbaahinta dowladda ay kaliya baahisay xaflad uu xilka kula wareegay 24-kii Oktoobar 2020, wuxuuna Taliyahan ku heyb yahay madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday taliye ku-xigeenkii Ciidamada Xoogga Dalka & Taliyeyaal la magacaabay

Lama oga ujeedada xilligan awoodda dheeraadka ah loo siiyay taliyaha ciidamada dhulka, isla markaana loo hoos geeyay ciidamada xoogga dalka ee ugu wanaagsan milateriga oo ay tababartay dowladda Turkiga, laakiin waxaa laga cabsi qabaa inuu qeyb ka yahay qorshe uu Madaxweynaha ka damacsan yahay ciidamada xilliga Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON