Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta Berri ah ku sii jeeda magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, socdaalkii labaad muddo saddex toddobaad gudahood ah.
Wararka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu farriin ka helay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ugu yeeray inuu ka qeyb galo shir saddex geesood ah oo Addis ababa ku dhex maraya madaxda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea.
Shirkan ayaa ka dambeeyay socdaal uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku tegay Itoobiya iyo safar wadajir oo lama filaan ahaa, kaasoo madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ay ku tageen magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Ma jiro wax war ah oo laga soo saaray kulankii Asmara ee saddexda hoggaamiye, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu doonayo in Itoobiya ay waanwaan ka gasho xiisada diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya.
Shaki weyn ayaa ku gedaaman dhaqdhaqaaqa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka wado Gobolka, isagoo ah mas’uulka isku xiraya Gobolka oo dal waliba heshiiska kula jira, waxaana Kenya ay olole ugu jirtaa in muranka ay abuurtay ee Badda kala dhaxeysa Somalia lagu xaliyo IGAD iyo Midowga Afrika oo laga soo wareejiyo maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, arrintaas oo Somalia ay diidan tahay.