Monday, June 23, 2025

XOG: Maxaa ka soo baxay Kulankii Xildhibaan Fiqi & Xasan Sheekh ee dalka Turkiga..? [Akhriso]

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida Baarlamaanka Federaalka iyo xisbiga Daljir,isla markaana ahaa siyaasiyiintii ugu waaweynaa ee ka soo horjeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan ugu tegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa ka dhacay dalka Turkiga oo uu degan yahay hadda Xasan Sheekh, wuxuuna ahaa kulan uu dalbaday xildhibaan Fiqi, iyadoo looga hadlayu xaaladda dalka iyo halka ay mareyso siyaasadda.

Xildhibaan Fiqi ayaa difaacay tallabada uu qaaday isagoo farriin uu soo dhigay bartiisa Facabook ku sheegay  in ay soo laabeen wixii hore udhex maray. isagoo yiri: “Soomaalida ayaa ku maahmaahda “Doqoni waxey ogeyd meeshii lagu diriray ee ma ogayn halka lagu heshiiyey..” .

Ad

“Kala maqnaansho dheer, kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo rag & xaalkii ah ka dib, waxaan xalay guriga uu deggan yahay Ankara ku booqday H.E. Xasan Sh. Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo soo dhowayn iyo marxabayn badanna aan kala kulmay.. waxaan madaxweynaha isla Xirnay xisaabta cutubkii hore, annagoo si qoto-dheer uga sheekaysannay siyaasadda dalka waqtigii la soo dhaafay iyo mustaqbalka, xog-ogaalnimo badan & waaya-aragnimo dheer ayaan ka kororsaday mudadii aan wada qaadannay madaxweynaha..” ” ayuu farriintiisa ku yiri Axmed Fiqi.

Xogta laga helayo saaxiibada madaxweyihii hore ayaa sheegaya in Xildhibaan Fiqi ujeedkiisu ahaa heshiis siyaasadeed iyo is-cafin dhex marta labada nin iyo talo weydiisasho qorshe ku saabsan sidii loo wajihi lahaa dowladda madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xildhibaano Axmed Fiqi ka mid yahay ka horjeedaan.

- Advertisement -

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ku taliyay in ugu yaraan muddo laba sano ah la siiyo dowladda Farmaajo iyo Kheyre, kadibna la fiiriyo waxqabadkooda, isla markaana aan marna lagu degdegin abuuritaanka khilaaf siyaasadeed.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON