Kulan xasaasi ah ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidamada AMISOM.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane waxaa dhinaca Baarlamaanka Soomaaliya uga qeyb galay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad, xoghayaha guud ee Baarlamaanka iyo xubno ka mida guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.
Wararka laga helayo shirkaasi ayaa sheegaya in looga hadlay xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo guddoomiye Jawaari uu ka dalbaday AMISOM inay sugto ammaanka xarunta Baarlamaanka Soomaaliya xilliga la guda galayo mooshinkiisa.
AMISOM oo waajibaadkeedu ka mid yahay ilaalinta amniga guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xarunta Baarlamaanka ayaa balanqaaday inay waajibaadkaas ilaalin doonto, isla markaana ay rajo ka qabto in xiisadda siyaasadeed ee madaxda dowladda si nabadgelyo ah lagu dhammeeyo.