Monday, June 23, 2025

XOG: Maxaa keenay inay xildhibaano ka soo jeeda Beesha Hawiye isu sharxaan Guddoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka?

Musharixiintii ugu badnaa taariikhda ayaa isu soo taagay xilka Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay is diiwaan geliyeen tiradii ugu badneyd.

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa shaaciyay magacyada 12 musharax oo u taagan xilkan, kuwaasoo ay ku jiraan xubno ka soo jeeda Beesha Hawiye oo su’aalo badan ka taagan tahay sida ay xilkaasi rajada uga qabaan.

Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Hawiye ee isu sharxay jagada guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka waxaa ka mida: Cabdiweli Maxamed Qanyare, Cabduulaahi Goodax Barre.

Ad

Is-sharaxaadda xubnahan ayaa ka dambeysa khalkhal ku yimid nidaamkii awood qeybsiga beelaha waaweyn kadib markii uu soo kordhay Aqalka sare ee Baarlamaanka, waxayna rajadoodu tahay in Beesha Dir ay guddoomiye ka noqoto Beesha Dir, taasoo u saamixi karta inay ku guuleystaan xilkan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON