Sunday, June 22, 2025

KASHIFAAD: Madaxweynaha Hirshabeelle oo heshiis qarsoodi ah la galay Musharaxa Sheekh Shariif

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa heshiis qarsoodi ah  la galay mid ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in kulan qarsoodi ah uu magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka mida musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ad

Kulankan ayaa ahaa mid ka duwan kulamada ay yeeshaan xildhibaanada cusub Goboleedyada iyo musharixiinta, waxaana dhacday in Cali C/llaahi Saalax uu fadhigiisa ugu tegay Shariifka, isagoo wadahadal dhex maray kadib u balanqaaday inuu taageerayo musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha una ololeyn doono sidii loo dooran lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilka uu hayo ku helay taageeradii uu siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii danbe u wareegay taageerada musharixiinta kale, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay isbedelka ku yimid.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON