Sunday, July 13, 2025

XOG: Maxaa sababay in Musharax Shariif Sheekh Axmed ku dhex lumo Magaalada Muqdisho..?

Iyadoo muddooyinkii u danbeeyay uu aad u yaraaday dhaqdhaqaaqii mushirixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haddana la waayay musharax caan ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna musharax mar labaad u taagan xilka ayaa tan iyo intii sida weyn Muqdisho loogu soo dhoweeyay iyo xafladii uu kaga dhawaaqay inuu musharaxnimadiisa kadib laga waayay wax dhaqdhaqaaq ah.

shariifXubno u dhow-dhow Shariifka ayaa sheegaya in musharaxa ay heysato xaalad dhaqaalo yaraan ba’an ah, taasoo keentay inuu aad u yaraado dhaqdhaqaaqiisa, waxaana xarunta uu ka degay magaalada Muqdisho laga dareemay inay kusii yaraanayaan dadka.

Inkastoo shariifku Safar dheer uga maqan yahay magaalada Muqdisho, haddana ololihiisa madaxweyne ayaa laga deyrinayaa inay heysato xaalada adag.

Taageerayaal iyo saaxiibo siyaasadeed oo markii hore ku xoomay Shariifka ayaa dib uga laabtay markii ay arkeen inaysan xaaladiisa wanaagsaneyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON