Dowladda Soomaaliya ayaa dhexda uga dhacday oo shaacisay inay la wareegtay shirka dib u heshiisiinta beelaha Gobolada Dhexe ee magaalada Dhuusamareeb ka socday ilaa bilowgii Febraayo 2015. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo shirka Dhuusamareeb booqday ayaa caddeeyay in wixii kharash ah ay dowladu bixineyso shirkana ay dowladda Soomaaliya gacanta ku heyn doonto.
Shirka waxaa isagoo socda dib ka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laf ahaantiisa xili danbe tegay ayaa ka dalbaday in shirka in lasoo gabagabeeyo bisha Febraayo, kadibna shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe uu ka furmayo degmada Cadaado halkaasina ay ergooyinka iska xaadiriyaan. Arrintaas oo madaxweynuhu ku celceliyay.
[ad name=”HTML-3″]
Shirka Dhuusamareeb waxay qabanqaabiyeyaashiisu ku dhawaaqeen in xilliga shirkaasi la kordhiyay oo uu socon doono ilaa Bisha Maarso 25-keeda. Arrintaas oo shaki weyn gelisay dowladda Federaalka iyo arrintii dagaalka Guriceel ayaa keenay inay qorshe cusub dejiso dowladda oo lacag u dirto shirka; kadibna ay booqdeen wasiirka Gaashaandhigga iyo Ra’iisal wasaaraha oo ugu danbeeyay.
[ad name=”HTML-3″]
Dowladda Federaalka ee madaxweynaha uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii la dhisay ku dhaqmeysay SIYAASAD KA DAGA TAG ah sida shirarkii maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Koonfur Galbeed oo mar waliba ay dhexda uga dhacdo, kadibna iyadoo diidan howshu iska socon jirtay ayaa isla jidkii ku socota oo shirka Dhuusamareeb ku dhex dhacday si ay hogaanka ugu qabato.
[ad name=”HTML-4″]
Waxaa is weydiin leh su’aalaha soo socda:
- Maxay dowladda Soomaaliya intii awoodeeda ah ugu bixineysaa in Shirka Dhuusamareeb ay hogaankiisa qabato?
- Maxay tahay sababta ay uga go’an tahay in shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe lagu qbato Cadaado ee aanu ka dhicin Dhuusamareeb?
- Waa maxay danta dowladda ka gashay Cadaado ee aan oolin Dhuusamareeb?
Waxaa muuqata in dano waaweyn uga xiran yihiin dowladda gaar ahaan madaxweynaha in shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ka dhaco Cadaado isla markaana uu jiro qorshe Dhuusamareeb looga fogeynayo shirkaas masiiriga ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]