Madaxweynayaasha maamullada taageersan dowladda Somalia ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare si wadajir kulan ula yeeshay wafdigii dowladda Qatar uga qeyb galay shirkii Madasha Iskaashiga oo uu hoggaaminayey La-taliyaha sare ee Ra”iisul Waasare ku Xiggeenka dalka Qatar.
Kulanka ayaa warar xog ogaa ahi sheegayaan inuu ka qeyb galay Safiirka Dawladda Qatar ee Soomaaliya iyo xubno ka socday xafiiska Ra’iisal wasaate Kheyre, iyadoo looga hadlay mashariic ay dowladda Qatar ka fulneyso labada Maamul Goboleed, iyadoo labada maamul si gaara loogu abaal marinayo taageerada ay siiyaan madaxda dowladda Soomaaliya.
Wararka qaar ahaa sheegaya in Wafdiga Qafat ay mamullada Hirshabeelle iyo K/Galbeed u ballan qaadeen taageero dhaqaale iyo mshaariic, taasoo bedelkeeda ay madaxda dowladda Federaalka kala shaqeyn doonaan qorshaha doorashada 2020/2021.
Qatar oo saaxiibo dhow la ah madaxda dowladda Somalia ayaa mashaariic kala duwan ka wada degaanada Soomaalida ee dowladda Federaalka gacanta ku heyso, waxaana wafdiga Qatar ee shirkii Madasha Iskaashiga uu ballan qaaday dhismaha Dekadda Hobyo ee maamulka Galmudug


