Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Somalia waxaa dhowaan lagu wadaa in la magacaabo safiiro dhowr ah oo cusub, kadib markii xilalkii laga qaaday in ka badan 8 safiir oo Soomaaliya u fadhiyey dalal muhiim ah.
Xogta ayaa sheegeysa in Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada C/risaaq Axmed Shoole oo ah mid ka mida saaxiibada ugu waaweyn ee madaxweynaha Soomaaliya loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Doha ee dalka Qatar, xilkaas oo laga qaaday Cumar Idiris.
Magacaabidda safiirka cusub ee Qatar loogu magacaabayo C/risaaq Shoole ayaa la sheegay inuu taageero ka heysto agaasimaha madaxtooyada Fahad Yaasiin, wuxuuna qeyb ka yahay safiiro dhowr ah oo lagu wado in la buuxiyo.
Xilalka safiirnimo ee dalalka muhiimka ah sida: Kenya, Imaaraadka, Kuwait, Shiinaha, Mareykanka iyo Qatar ayaa bannaan iyadoo uu socdo olole olole lagu doonayo in lagu buuxiyo xilalkaasi.