Monday, June 23, 2025

XOG: Mukhtaar Roobow oo halis ku noqday Qorshihii dowladda Federaalka ee Maamulka K/Galbeed

Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow ee ka mid ahaa madaxda Alshabaab, balse isaga baxay oo hadda musharax u ah xilka madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa halis weyn ku noqday qorshaha Madaxda Dowladda Federaalka ee K/Galbeed.

Wadaadkan ayay hore xukuumadda Soomaaliya isugu dayday inay ka reebto tartanka doorashada markii ay wasaaradda Amniga qoraal ay kasoo saartay ku sheegtay inuusan dhameystirin shuruudihii looga qaadi lahaa xayiraadda caalamiga ah ee saaran [Akhriso Warka], laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid Baarlamanka iyo Guddiga Doorashada K/Galbeed oo guddoonsiiyey shahaadadii musharaxnimo [Akhriso].

Ad

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ku guuleystay inay cadaadis ay saareen uu isu casilo madaxweynihii maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda wajaheysa dhibaato aysan ku talogelin oo ah in Mukhtaar Roobow oo noqday musharax helay taageero badan isla markaana taageerayiisa ay khalkhal amni ka abuuri karaan Magaalada Baydhaba.

Shariif Xasan iyo taageerayaashiisa ayaa hadda la saftay Mukhtaar Roobow, waxaana  si weyn loo faafiyey  warar ku lid ah musharaxa ay dowalddu wadato ee C/casiis Lafta-gareen, kuwaasoo wax u dhimay mushraxan dowladda iyo qorshihii Dowladda Federaalka oo xaalad aan dhibaato yareyn tii Shariif Xasan ay hadda ka heysato doorashada K/Galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa haddii aan lagu guuleysan inuu tanaasulo oo dhinacyo badan ay waanwaan kula jiraan waxay noqon doonta xaalad kale oo hubanti la’aan ku keenta doorashada K/Galbeed, waxaana xaaladda uga sii daraya iyadoo guud ahaan siyaasiyiinta iyo musharixiinta ka horjeeda damaca dowladda Federaalka ay ku midoobeen musharaxa Mukhtaar Roobow.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka ayaa gacanta kula jirta arrimaha doorashada iyadoo guddiga doorashada ku cadaadineysa inay la yimaadaan qaab ay doorashada uga reebaan Sheekh Mukhtaar Roobow, iyadoo markii saddexaad ay saameyn ku yeelatay in dib loo dhigo doorashada, taasoo ujeedkeedu yahay in Wadaadka lagu cadaadiyo si looga helo fursad xeelad ama xoog ah oo looga reebo doorashada.

Waxaa muuqata inay xilligan fursad waliba isa soo xirtay, marka laga reebo awood adeegsasho, kadib markii ciidamo gaaraya 300 askari dowladdu u dirtay Baydhaba, taasoo mashruucii madaxda dowladda Federaalka ka dhigaya mid halis weyn ku jira inuu ka shaqeeyo magaalada Baydhaba.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON