Monday, June 23, 2025

XOG: Musharax Madaxweyne & Xildhibaan bilaabay olole looga horjeedo Ra’iisal wasaaraha cusub

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Mid ka mida musharixiinta u taagnaa xilka madaxweyne, kana tirsan baarlamaanka Federaalka ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay olole looga horjeedo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaan C/llaahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddow Cali Gees ayaa la soo weriyay inuu xildhibaano ku shiriyay hoygiisa Muqdisho isla markaana uu ku hanjabay inuu abaabuli doono Baarlamaanka si ay codka kalsoonida ugu diidaan Ra’iisal wasaaraha cusub ee la magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Caddow Cali Gees oo iskiis olole ugu jiray in loo magacaabo Ra’iisal wasaare ayaa si weyn uga xumaaday magacaabidda ra’iisal wasaaraha cusub, isagoo si gaara ugu tegay madaxweyne Farmaajo kana dalbaday inuu xilkan u magacaabo.

Xildhibaan Caddow Cali Gees, Ganacsade ahaana musahrax madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare

Xildhibaankan ka mid ahaa musaharixiintii madaxweynaha, ahna ganacsade weyn wuxuu lacag ka badan 5 Milyan oo Doolar ku bixiyay ololihii doorashada isagoo ujeedkiisa ugu weyn ahaa inuu kula dagaalamo dib u doorashada Xasan Sheekh oo ay isku jufo yihiin, wuxuuna codkiisa ku taageeray Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrinta ayaa isbedeshay kadib magacaabidii Xasan Cali Kheyre ee xilka Ra’iisal wasaaraha, waxaana uu hadda keli ku noqday ololaha diidmada, iyadoo laga soo xigtay in Ra’iisal wasaare kasta oo Farmaajo soo magacaabo uu ka hortegi doono ilaa madaxweyne kale la doorto.

Dad badan ayaa u arka Ganacsade iyo xildhibaan Caddow Cali Gees inuu ku fashilmi doono ololihiisa xil raadiska ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON