Musharaxa xilka Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed oo ka mida musharixiinta ugu cadcad ee u taagan tartanka madaxweynaha ayaa qiime cusub ku kordhiyay codadka xildhibaanada.
Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa xogta ay heshay Goobjooge.com ay sheegeysaa inuu qiimaha codadka xildhibaanada ee Doorashada Madaxweynaha uu gaarsiiyay lacag dhan 150,000 Doolar (Boqol iyo Konton kun oo Doolar).
Qiimaha cusub ee Shariif Axmed ayaa 50,000 Doolar ka sareeya qiimihii bilowga ahaa ee uu codadka xildhibaanada u gaaray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ahaa 100,000 Doolar.
Qiimaha gorgortanka codadka xildhibaanada ayaa weli jooga heerkii ugu hooseeyay, waxaana la filayaa in doorashadan oo ah mid aad u adag uu gaaro heer aan hore loo arag oo la saadaalinayo ilaa 300,000 Doolar, halka Doorashadii 2012 lacagta u badan ee codka xildhibaanka lagu iibsaday ay ahayd 20,000 Doolar.
Goobjooge.com