Tuesday, July 15, 2025

XOG: Musharixiinta xilka madaxweynaha ee beesha Majeerteen oo dagaal siyaasadeed ka dhex oogmay

Ololoha weyn ee tartanka madaxweynaha waxaa ka hoos socda olole kale oo ay isku khaarijinayaan siyaasiyiinta isku beesha ah si mid waliba kan kale uga riixdo booska musharaxa ugu weyn beeshiisa.

Waxaa soo if baxay olole aad u kulul oo ay dhexooda isku hayaan musharixiinta beesha Majeerteen ee u taagan xilka madaxweynaha, kaasoo salka ku haya musharax ugu cod badan doona, waxaana bilowday olole warbaahineed iyo dacaayado hoose oo ay iska faafinayaan musharixiintan.

Musharaxiinta loolanka ugu adag ka dhaxeeyo waxaa ugu horeeya:

Cumar C/rashiid Cali

Saciid C/llaahi Dani

Cali Xaaji Warsame

iyo C/raxmaan Maxamed Faroole

Cumar C/rashiid oo lagu wado inuu noqon doona musharaxa ugu codka badan musharixiinta beeshan  kasoo jeeda ayaa waxaa weerar xoog leh ku haya musharixiinta Cali Xaaji iyo C/raxmaan Faroole oo suuqa u geliyay inuu la heshiiyay Xasan Sheekh, taasoo keentay shirkii jaraa’id ee uu qabtay shalay.

Saciid C/llaahi Deni ayaa isna lagu sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Damjadiid ee Xasan Sheekh taageerta, waana musharax labaad ee loolanka uga jira musharaxa ugu codka badan beeshan.

Cali Xaaji Warsame oo heerka dhexe ku jiro balse aan rajo badan laga qabin inuu wareega hore dhaafi karo isaga C/raxmaan Faroole ayaa la sheegay inay wadaan ololaha ka dhex socda musharixiinta beeshooda intiisa badan.

Musharaxa ugu cod bata ee Beeshan ayaa laga yaabaa inuu isbaheysi la galo qofka madaxweynaha noqon doona si uu halkaasi uga helo jagada kale ee Ra’iisal wasaaraha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON