Musharixiintii isbedeldoonka ee intooda badan u tartamayay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrin aan la fileyn ay kala kulmeen madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mid ka mida musharixiinta oo u warramayay Goobjooge.com ayaa sheegay in kulankoodii ugu horeeyay ee ay la qaateen markii la doortay madaxweyne Farmaajo uu si wanaagsan ku dhacay isla markaana ay arrimo badan isla meel dhigeen.
Wuxuu intaasi ku daray in wixii markaasi ka danbeeyay ay ciriiri ku noqotay la kulanka madaxweynaha, kadibna markii uu magacaabay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu gebi ahaanba albaabada ka xirtay iyadoo loo sheegay dhowr jeer inuu mashquul yahay.
Musharixiinta oo ku dhow 20 ayaa intooda badan doonaya xilal wasiiro waxaana ku jira aqoonyahano iyo siyaasiyiin khibrad leh, kuwaasoo hami badan ka qaba inay ka mid noqdaan dowladda cusub.
Musharixiin codkooda ku taageeray madaxweyne Farmaajo, kana mid ahaa isbedelkii dhacay ayaa hadda ku eedeeyay madaxweynaha inuu uga baxay ballamihii uu qaaday xilligii doorashada.
Goobjooge.com