Monday, June 23, 2025

XOG: Muxuu damacsan yahay Madaxweynaha la casilay ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.?

Madaxweynaha kalsoonida waayay ee Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegaya inuu wado qorsha uu ugu dagaalamayo xilkiisa.

Sida xogta laga helayo sheegeyso wuxuu Cali C/llaahi Cosoble ku gacan seyray  xil ka qaadiskii ay ku sameeyeen xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle, isigoo mooshinka ku tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu qabtay Maqaayad ayna ka qeyb galeen dad suuqa laga soo ururiyay.

Cali Cosoble oo shalay ku sugnaa Garoonka Muqdisho una suurageli weyday inuu tago Jowhar ayaa goor dhoweyd magaalada Jowhar, halkaasoo la sheegay inuu ka bilaabayo olole uu ku doonayo inuu sharci darro ka dhigo qaabkii xilka looga qaaday.

Ad

Xildhibaanada taageersan madaxweynaha Hirshabeelle ayaa aad u yar, waxaana saaxiibo badan kula taliyeen Cali C/llaahi Cosoble inuu tanaasulo oo aanu dhex gelin muran siyaasadeed, kaasoo la ogyahay inaanu ku guuleysan doonin.

Waxaa la filayaa in madaxweynaha la eryay uu maanta gaaro, halkaasoo qorshihiisa cusub ka bilaabi doono markii ay u caal waayeen saaxiibta iyo dadka ku dhow, waxaana magaalada Jowhar ay ku socotaa goob legdan siyaasadeed qaraar ka dhici doono maalmaha soo socda haddii aanay wax isbedel ah dhicin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON