Wednesday, July 9, 2025

XOG: Muxuu Madaxweyne Farmaajo uga reebay Wasiir Sabriye Guddigii farsamada Shirka Dhusamareb 3?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si toos ah u farageliyey xubnaha Guddiga Farsamada ee Shirka Dhuusmareeb 3, ee ka imaanaya xukuumadda Federaalka.

Goobjooge.net ayaa ogaatay in Madaxweyne Farmaajo uu isagu magacaabay xubnaha xukuumadda ee ka mid noqonaya Guddiga Farsamada Shirka Dhuusamareeb ee diyaarinaya nooca doorasho ee dalku geli doono, kaasoo min 2 xubnood laga rabay xukuumada Federaalka iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha e xilka sii haya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ka reebay inuu ka mid noqdo Guddiga Farsamada, isagoo bedelkiisa magacabay Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo xubin ka mida Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Mucaawiye Sheekh Ibraahim.

Wasiir Sabriye ayaa saaxiib dhow la ahaa Ra’iisal wasaarihii is casilay ee Xasan Cali Kheyre, taasoo keentay inuu Madaxweyne Farmaajo ka reebo Guddiga Farsamada ee Shirka Dhuusamareeb 3 oo lagu ballansan yahay inuu furmo 15-ka bishan Ogost.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisal wasaarihii hore u arka inuu khiyaamay markii uu damcay inuu isu soo sharxo xilka Madaxweynaha doorasada soo socota, kana hor yimid muddo kororsi loo sameeyo dowladda uu hoggaamiyo.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa laba xubnood oo dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Madaxweynaha Jubbaland ku soo daray Guddiga, kuwaasoo metelaya madaxtooyada Soomaaliya (Cabdi Cali Raage iyo Caadil Sheegow Sagaar).

Guddigan waxay Madaxtooyada kusoo dartay laba xunbood ooa ka socda Gobolka Banaadir. waxaana lagu magacaabay shirkii Golaha Wasiirada xilka sii haya ee dhacay 30-ka July 2020.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON