Qaar ka mida wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhiiraday inay ka hor yimaadaan tallaabooyin uu qaaday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Laba ka mida Wasiirada ka tirsan xukuumadda ayaa ka carooday guddiyo iyo la-taliyeyaal uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha, kuwaasoo saameyn ku yeelanaya wasaaradaha ay mas’uulka ka yihiin.
Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo dhowr jeer ra’iisal wasaaraha si adag ula hadashay ayaa ka carootay guddi Guddiyada arrimaha Dhalinyarada ah oo uu magcaaabay Kheyre, taasoo keentay inay furka ku tuuro shirkii Golaha Wasiirada ee shalay.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa isna ka hor yimid xilka loo magacaabay xoghayihii uu shaqada ka joojiyay Yaxye Cali Ibraahim, kaasoo la-taliye dhinaca arrimaha gudaha iyo federaalka u noqday Ra’iisal wasaaraha.
Labada wasiir ayaa Ra’iisal wasaaraha si cad ugu sheegay inuu ku xadgudbay wasaaradahooda, isla markaana weydiiyay waxa qabanayaan haddii uu la-taliyeyaal iyo guddiyo u magacaabo waajibaadkii wasaaradaha ay mas’uulka ka yihiin.
Goobjooge