Iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisada diblomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya iyo ololaha ay dowladda Kenya wado si ay culeys u saarto Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya in qorshe ay Kenya wadatay uu weji cusub yeeshay.
Dowladda Kenya ayaa ciidamadeeda si iskeed ah ugala baxday saldhigyo muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Gedo, taasoo aan lagala tashan AMISOM iyo dowlada Somalia, kana mid ahayn qorshaha Amniga ee AMISOM, laakiin warbaahinta Kenya ayaa arrintaasi ku dartay cadaadiska ay Kenya ku heyso dowladda Somalia oo ay isku hayaan xuduudka Badda labada dal.
Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa diyaariyey mooshin ay ku dalbanayaan in ciidamada Kenya laga saaro dalka ayna ka baxaan AMISOM oo ay ka mid yihiin, taasoo lagu soo afjarayo joogitaanka ciidamada Kenya ee Jubbooyinka iyo Gedo..Qorshihii Kenya ayaa hadda isu bedelay mid dhab ah oo sababi kara in ciidamadeeda laga saaro Somalia guud ahaan.
Mooshinkan oo haddda horyaalla Golaha Shacabka ayaa loogu dalbanayaan African Union in Ciidamada Kenya laga saarto gudaha dalka Soomaaliya lana soo afjaro ka mid ahaanshahooda AMISOM, inkastoo uu waqti qaadan doono haddana waxaa muuqata inay si weyn u korortay diidmada falalka Kenya ka wado Jubbooyinka.
Warbaahinta Kenya ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeysan inuu wado qorshe uu ciidamo Itoobiyaan iyo Eritrerian ah ugu bedelayo ciidamada Kenya ee la doonayo in laga saaro Jubbooyinka.